Home Wararka Gudaha Askari ka tirsan Ciidamada AMISON oo Askar kale ku dilay Xalane….

Askari ka tirsan Ciidamada AMISON oo Askar kale ku dilay Xalane….

335
0

Sida wararka sheegayaan askariga toogashadan geystay ayaa waxa uu muran kala dhexeeyay Kormeerihiisa, kaasoo ay shaqo isku qabteen, taasoo markii dambe keentay inuu goobta ka dhaco gacan ka hadal iyo rasaas.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in goobta lagu dilay Kormeeraha iyo labada askari ee ilaalada u aheyd, halka markii danbena uu gacantiisa isku dilay askariga Uganda u dhashay ee falka toogashada ah geystay.

Warbaahinta Uganda oo dhacdadan wax ka qortay wali ma aysan soo bandhigin magacyada askarta iyo Sarkaalka xerada ugu weyn AMISOM ee Xalane lagu dilay, sidoo kalena ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay gacan ka hadalka.

Brig Richard Karemire oo ah Afhayeenka Ciidanka Difaaca wadanka Uganda ayaa Suxufiyiinta Kampala u sheegay inay wadaan baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, dibna Saxaafada kala soo wadaagi doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.