Home Wararka Gudaha Al-shabaab: Qabiilkii dowladda soo raaca ee garab siiya wuxuu noola mid yahay...

Al-shabaab: Qabiilkii dowladda soo raaca ee garab siiya wuxuu noola mid yahay cadowga aan dagaalka kula jirno

120
0

Axad 4-ta September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)  Ururka Alshabaab ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay abaabulayso qabaa’ilada Soomaaliyeed oo ay ogyihiin qabiilo heshiis kula galay  dagaalka Alshabaab, afhayeenka Alshabaab, Cabdicasiis Abuu Muscad oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in aysan dagaal kula jirin qabaailada Soomaaliyeed, Balse wuxuu tilmaamay inuu socdo qorshe ay iska kaashanayaan dowladda iyo odayaasha.

Wuxuu sheegay qorshahaas inuu yahay mid lagu hubaynayo dadka shacabka ah, si buu yiri loo dagaal galiyo, afhayeenka Al-shabaab ayaa wuxuu si toos ah ugu hanjabay qabiilkii dowladda soo raaca ee hubka soo qaata oo garab siiya dowladda, inay ula dagaalamayaan, si lamid ah dowladda iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

Hadalka Abuu Muscab wuxuu kusoo beegmay iyadoo Alshabaab ay habeen hore gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 20 ruux, kuwaas oo ahaa dad shacab ah oo safar ahaa, waxaa lagu eedeeyay Al-shabaab inay hab qabiil u beegsadeen dadka lagu la laayay deegaanka Afar-irdood ee gobolka Hiiraan, halkaas oo waayahan dambe ay ka socdeen howgallo ka dhan ah Alshabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.