Home Wararka Gudaha Al-shabaab oo weerar ku qaaday tuulada Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland

Al-shabaab oo weerar ku qaaday tuulada Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland

250
0

Axad 27-da Maarso, (Bosaso-xog-ogaal) Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegayaa in halkaas  Al-shabaab ay waaberigii saaka weerar ku qaadeen saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland,sida aan xogta ku helayo Al-shabaab ayaa weerarka ku bilowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab.

Weerarka oo bilowday ka hor salaadii subax ayaa wararku waxay sheegayaan in waagu isugu baryay ciidamada Puntland iyo kooxdii weerarka qaadday majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntland iyo kooxda Shabaab.

Alshabaab ayaa horey u weeraray Af-urur oo 70km u jirta magaalada Bosaso, iyagoo ka geysatay mid kamid ah weeraadii ugu khasaaraha badnaa ee Puntland,in ka badan 50 askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayay Alshabaab ku dishay weerar ay sannadkii 2017 ku qaaday deegaanka Afurur, kadib markii ay cagta mariyeen saldhig ciiddanka Puntland ku lahaayeen Afurur.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.