Home Wararka Gudaha Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

168
0

Isniin 1-da August 2022, (Muqdisho-Xog-ogaal) Kooxo hubeysan ayaa dil ka geystay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan, waxaana dilkaasi la sheegay in loo geystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka oo magaciisa lagu sheegay C/weli Jeekeey, warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in ninkan ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo dabagal ku hayey, waxayna xuseen in ninkan la dilay uu u shaqeynayey dowladda Soomaaliya, uuna wadashaqeyn dhow la lahaa Mareykanka.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ciidamada ku guul dareysteen soo qabashada ragii fuliyey dilka oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jiro wax war ah oo dilkan ka soo saareen laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.