Home Wararka Gudaha Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee isku qarxiyey wasaaradda...

Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee isku qarxiyey wasaaradda Shaqada &…

233
0

(Muqdish-Xog-ogaal) Xarakada Al-shabaab ayaa markale waxay shaacisay oo ay soo bandhigtay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo ninkii labaad ee isku qarxiyey xarunta wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya oo weerar qorsheysnaa ay Al-shabaab ku qaadeen.

Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in C/laahi Maxamed Ibraahim, C/laahi Dacwo ama Bilaal uu ka mid ahaa dagaalyahanadii fuliyey weerarkii lagu qaaday dhismaha wasaaradda shaqada, Bilaal ayaa da’iida lagu sheegay 29 sano jir ka soo jeeda dhulka  N.F.D oo ay maamusho  dowladda Kenya, wuxuuna  u dhashay beesha Ogaadeen gaar ahaan Jufada reer Cabdalla.

Bilaal ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Al-shabaab ee Andulus waxa uu ku sheegay in Shabaab uu sanado badan ka tirsanaa, isla markaana weerarka uu u fulinayo sidii loo dhabar jabin lahaa cadowga Alle iyo ummadda sida uu yiri.

Ugu dambeytii C/laahi Maxamed Ibraahim ayaa ugu baaqay bulshadda Waqooyi bari Kenya in ay ku soo biiraan Shabaab, isla markaana ay u midoobaan sidii dhulka NFD looga saari lahaa Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here