Home Wararka Gudaha Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay 7 ruux oo ay ku...

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay 7 ruux oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo

117
0

Axad 31-da July 2022, (Buulaay-Xog-ogaal) Al-shaaab ayaa 7 ruux oo dhamaantood ahaa rag ku toogtay goob fagaare ah oo ku taala deegaanka lagu magacaabo Buulaay ee ka tirsan gobolka Bay, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahayeen basaasiin u shaqenayey dowladda federaalka Soomaaliya, dowladda Mareykanka iyo Maamulka Koonfur galbeed, fagaaraha lagu toogtay todobada ruux ayaa waxaa isugu soo baxay una soo fiirsi tagay boqolaal dad weyne ah oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Buulaay ee gobolka Bay, waxaana fagaaraha toogashada ka dhacay ku sugnaa saraakiil ka tirsana Al-shabaab.

Ka hor inta aanan toogashada lagu fulin 7 ruux ee Shabaabka ku eedeyeen inay jaajuusiin ahayeen, waxaa fagaaraha lagu tooganayey ragaani Al-shabaab ka sheegeen inay qirteen inay ahaayeen basaasin fududeeyay dilal loo geystay madax ka tirsaneyd Shabaab iyo duqeymo diyaaradeed lala eegtay xarumaha Shabaab oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsaneyd Shabaab.

Todobada ruux ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ee dhamaantood ku sheegeen inay jaajuusiin u ahayeen dowlada Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa magacayadoo ka yihiin, Ceymooy Geedi Aadan, Cadaawe C/laahi Dhicisow, Cali Maxamed Madoobe, Colaad C/raxmaan Maxamed, C/raxmaan Isaaq Ibraahim, Towfiiq Jinoow Aadan iyo Mayow Maxamed Yaroow.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.