Home Wararka Gudaha Afhayeenka Ciidanka Booliska oo war ka soo saaray waxa ka jira Gabdho...

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo war ka soo saaray waxa ka jira Gabdho yar yar o sheegay in la afduubtay.

322
0

Sabti 23-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusan jirin afduubka, isagoo sheegay in gabdhahaasi yaryari ay jileen falkaasi, booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray laba gabdho ah oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir, kuwaasoo warbaahinta gudaha sheegtay in laga afduubtay degmada Deyniile.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna cadeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaicyey hadalkiisa.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.