Khamiis 21-ka July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xalay la kulmay Xildhibaannada iyo Senatarada Koofur Galbeed iyo Xubnaha Jubbaland laga soo doorto ee ka soo jeeda D&M ayaa kala hadlay sidii Golaha Wasiirada ee la soo magacaabi doono loo garab istaagi lahaa, sida wararka la helayo ay sheegayaan, Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay mudanayaasha in xubno ka mid ah Xildhibaannada ay ka mid noqonayaan Golaha Wasiirada ee la soo magacaabayo, isagoo aan si rasmi ah farya ugu fiiqin magacyada xuvnahaas iyo wasaaradaha ay helayaan.
Waxa uu ka codsaday inta kale ee aan nasiibka u yeelanin ka mid noqoshada Golaha Wasiirada inay la shaqeeyaan saaxibadood, door muuqatana ka qaataan sidii xukuimadaasi baarlamaanka loo marsiin lahaa, marka uu horgeeyo ra’iisul wasaare Xamse, ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku guda jira latashiyadii u danbeysay ee magacaabista wasiiradiisa oo tiradooda la filayo iney noqdaan 30 wasiir, xogana ay tilmaamaya in 22-ka ilaa 25-la bishan uu ku soo saari doono liiska golihiosa wasiirada ee cusub oo u badnaan doona xildhivaanada golaha shacabka iyo saaxiibadda madaxweyne Xasan Sheekh.