Home Wararka Gudaha Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay degaanka Ceelbaraf oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay degaanka Ceelbaraf oo kordhay

151
0

Talaado 3-da May 2022, (Ceelbaraf-xog-ogaal) Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo oo waaberihii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaa la sheegay inuu  ka dhacay xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo Goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhinteen qaraxyada iyo dagaalkaba Askar oo u farabadan oo kamid ah kuwa Burundi ee katirsan howlgalka ATMIS.

Qaar kamid ah dadka degaanka ceelbaraf ayaa Risaala u sheegay inay arkeen meydadka ciidamada Burundi, sidoo kalena Al-Shabaab ay qaateen hub iyo Agab kale oo Ciidamada ATMIS uga tageen Xerada , halka qaarkood ay miinooyin ku xireen kadibna ay qarxiyeen.

Saraakiisha howlgalka ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee Al-Shabaab oo War kasoo saaray waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Xerada, sidoo kale ay dileen 59 Askari oo katirsan ciidamada Burundi walow aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab, wararkii uu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay, isla markaana Ciidamada Burundi ay dib ula wareegeen Xeradooda oo dhowr saacadood ay heysteen Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.