Home Wararka Gudaha Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq

166
0

Axad 17-da April 2022, (Kismaayo-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka,  kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq oo ay taallo 16 Kursi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin intii ay socdaan doorashooyinka, xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maalinta Talaadada ah ee todobaadkaan waaa ay tegi doonaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 Kursi.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.