Home Wararka Gudaha Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab

Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab

149
0

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Shir Guddomiyay Shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug, shirka oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga, ayaa waxaa diiradslagu saaray sugida Amniga Galmudug iyo sidii howlgallo rogaal celin ah loigu qaadi lahaa Al-Shabaab.

“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonaan Al-Shabaab “ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynaha  Puntland Siciid Dani oo xilli loo baf⁴ahna garab istaagtay Dowlada Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Argagixisada Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaageen Ciidamada Qalabka, isaga oo ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.