Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa saaka oo Sabtiya hortegaya mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayo, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa lagu ansixinta doona guddiga doorashooyinka, si ay u sii dardar geliyaan hawlaha horyaalla ee hirgelinta barnaamijka xisbiyada badan.
Guddiga ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, waxa ay warbixin ka hor-jeedin doonaan xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigayaan arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay shaqadan hayeen.
Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaall shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.