Home Wararka Gudaha Wararkii u danbeeyay shirka IGAD ee looga hadlayo xiisada Bada

Wararkii u danbeeyay shirka IGAD ee looga hadlayo xiisada Bada

60
0

(Khamiis 18-da January 2024, Kampala-xog-ogaal) Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn, kaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD, waxaana shirkan looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa shalay gaaray magaalada Kampala.

“Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada, dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay IGAD 13-kii bishan ku xaqiijisay inaysan ka qeybgaleyn shirkan, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in madaxda ururkaasi ay iskugu yimaadaan shirkan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.